Laba kulan oo maanta laga ciyaaray tartanka Baladweyne iyo kulan la joojiyay

0
89

Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa si habsami leh uga socda wareega saddexaad ee tartanka kooxaha heerka labaad ee magaalada Baladweyne.

kooxda kubadda cagta Laabka ayaa 1-0 uga badisay dhigeeda kooxda Gorgor.

Sidoo kale kooxda Jiiqa ayaa rigoorayaal 4-2 ah uga badisay kooxda Buulo kadib markii waqtigii loogu talo galay la isla dhaafi wayay 0-0.

Ciyaartii u dhaxeysay kooxaha Hilaal heegan iyo Fiiltare Sporty  Club  ayaa la joojiyay kadib markii buuq iyo fowdo uu ku bilowday kulankooda.