Maalinta Saaxiibtinimada Adduunka oo maanta dunida looga dabaaldagayo

0
69

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sanadkasta marka laagaaro 30 Luulyo maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Saaxiibtinimada taas door ka qaadan karto sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha sida rabshadaha xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo kuwo kale oo badan kuwaas oo wiiqaya nabadda, amniga, horumarka iyo wada noolaanshaha bulsho ee dadyowga adduunka.

 

Si loo xuso maalinta caalamiga ah ee saaxiibtinimada Qaramada Midoobay waxay ku dhiirigelinaysaa dawladaha, ururada caalamiga ah iyo kooxaha bulshada rayidka ah inay qabtaan munaasabado, waxqabadyo iyo hindisayaal gacan ka geysta dadaalka beesha caalamka ee ku wajahan horumarinta wadahadalka ilbaxnimooyinka, wadajirka, isfahanka iyo dib-u-heshiisiinta.

 

Maalinta Caalamiga ah ee Saaxiibtinimada waa hindise raacaya soo jeedinta ay samaysay UNESCO oo ku qeexday Dhaqanka Nabadda in uu yahay qiyam, dabeecado diidaya rabshadaha iskuna dayaysa in ay ka hortagaan isku dhacyada iyaga oo ka hadlaya sababaha asalka u ah in la eego xalinta dhibaatooyinka.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.