Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo laga saaray xisbiga ANC

0
51

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa laga saaray xisbiga ANC ee uu mar hoggaaminayay, kaddib markii uu u ololeeyay xisbiga mucaaradka ah doorashadii guud ee dhacday 29-kii May.

Guddiga anshaxa ee ANC ayaa Mr Zuma ku helay danbi ah inuu “ku xad-gudbay anshaxa xisbiga” isagoo ku biiray uMkhonto we Sizwe (MK), waxayna u qabteen saddex toddobaad inuu racfaan ka qaato go’aankooda.

“Barnaamijkiisu waa khatar, isaga oo ku baaqaya xagjirnimo siyaasaddeena oo hurin karta qalalaasaha bulshada,” ayay ANC ku tidhi bayaan.

uMkhonto we Sizwe ayaa sheegay in Mr Zuma aan lagu wargelin go’aanka ay qaadatay “maxkamadda Kangaroo”.

Mr Zuma oo 82-jir ah ayaa ah hogaamiye rug-cadaa ah oo ka tirsan xisbiga ANC, balse waxa ay isku dhaceen xisbigaasi kadib markii lagu qasbay in uu iska casilo xilka madaxtinimada 2018 fadeexado musuqmaasuq. Isagoona mar walba dafiri jiray inuu wax khalad ah sameeyay.