Mashaariic Hormarineed oo laga dhagax dhigay degmada Jalalaqsi

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Gudlawe Xuseen oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, xubno Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa degmadaasi ka dhagax dhigay Mashaariic Hormarineed

Mashaariicda degmada Jalalaqsi laga dhagax dhigay ayaa waxaa kamid ah
Xarunta Maamulka Degmada ,Saldhig Booliis,Suuqyada Ganacsiga iyo Xoolaha,Maxkamadda Degmada,Dugsi Hoose, DHexe (Tardo). Nalalka Cadceeda,Iskoolka Xanaannada Carruurta iyo Dayactirka Buundada degmadaasi.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.