10 Ciyaaryahan Oo Aadan Rumaysan Karin Inay Koox La’aan Ahaayeen Tan iyo Sannadkii Hore.

0
66

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xidigihii hore ee kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo Tottenham ayaa kasoo muuqday liiskan ciyaartoyda koox la’aanta ah tan iyo sanadkii hore.

Iyadoo inta badan ciyaartoyda kubada cagta ay ku dhamaanayaan beeca xorta ah, ayaa intooda badan waxay u muuqdaan inay helayaan naadi cusub toddobaadyo gudahood.

Haddaba waa kuwee 10ka ciyaartoy ee koox la’aan ahaa tan iyo 2023.

David de Gea

Shaki la’aan, xiddiga ugu magaca weyn liiskan oo dhan waa goolhayihii Manchester United.

Goolhayihii hore ee Red Devils ayaa ku adkeysanaya inuusan weli xidhinin galoofyadiisa, inkastoo uusan si dhab ah uga quusan inuu dib ugu soo laabto cowska cagaaran.

Aleix Vidal

Barcelona ayaa mar ka soo bixisay adduun dhan 15 milyan oo gini si ay ula soo wareegto Vidal laakiin hadda waa 34 jir, waxa uu ahaa wakiil xor ah in ka badan hal sano.

Markii ugu dambeysay wuxuu u ciyaaray Espanyol laakiin si xirfad leh uma uusan ciyaarin tan iyo xilli ciyaareedkii 2022-23.

Inkastoo uusan si rasmi ah uga fariisan ciyaaraha, Vidal uma muuqdo inuu ku degdegayo inuu dib ugu soo laabto kubada cagta waqti dhow.

Waa mulkiilaha laba makhaayadood, wuxuuna hadda u muuqdaa mid diiradda saaraya hawlihiisa ka fog ciyaaraha.

Josh Onomah

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Tottenham iyo Fulham ayaa soo maray bilo aad u adag in la sheego.

Dhaawacyada badan ayaa caqabad ku noqday xirfaddiisa, waxaana ay door weyn ka ciyaareen sababta uu koox la’aan u yahay tan iyo markii ay fasaxday Preston North End sanadkii hore.

Waxa uu haatan tijaabo kula jiraa kooxda Blackpool ee ka tirsan League One shaki la’aana waxa uu rajayn doonaa in uu dib u soo nooleeyo xirfadiisa League One xilli ciyaareedkan.

Nico Schulz

Daafaca reer Germany ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii ay iska fasaxday Borussia Dortmund sanadkii hore.

Horaantii sanadka 31-jirkan ayaa kasoo muuqday maxkamad kadib markii lagu eedeeyay inuu weeraray saaxiibkiisii ​​hore.

Ka dib waxaa lagu amray in uu ku deeqo in ka badan £128,000 shan hay’adood oo samafal ah si kiiska meesha looga saaro.

Schulz ayaa wakhti ku qaatay tababarka Sheffield Wednesday dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, inkasta oo kooxdu ay dooratay in ayna la soo saxiixan kadib markii ay taageerayaashu si xun uga jawaabeen.

Jese

Ciyaaryahanka ka soo baxay akadeemiga Real Madrid ayaa ahaa koox la’aan tan iyo markii uu ka tagay kooxda reer Brazil ee Coritiba FC dhamaadkii sanadkii hore.

Wali waa 31 jir, waxaad qiyaasi kartaa in Jese uu wali wax badan u haray ka hor inta uusan joojinin xirfadiisa ciyaareed.

Helder Costa

Afar sano ka hor ayay ahayd markii Leeds United ay 15 milyan oo ginni ay kula soo wareegtay garabka reer Portugal.

Ciyaaryahanka weli waa koox la’aan.

Tariqe Fosu

Waxyaabo kaliya kuma dhicin Fosu tan iyo markii uu ka tagay Brentford 2023kii.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa lagu waday inuu ku biiro kooxda Turkiga ee Hatayspor xagaagii hore, laakiin tallaabadaas ayaa ugu dambeyntii burburtay, Kadib wuxuu tijaabiyay kooxda MLS ee Charlotte FC laakiin lama soo bandhigin qandaraas wuxuuna dhawaan tababar la qaatay Charlton Athletic.

wuxuu ku guuleystey inuu helo naadi cusub dhawaan.

Kevin Stewart

Sida ciyaartoy dhowr ah oo liiskan ku jira, dhaawacyadu uma roonayn Stewart sannadihii la soo dhaafay.

Hadda waa 30 jir, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Liverpool ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Blackpool 2023.

Enzo Zidane

Inaad noqoto wiilka halyeeyga kubbadda cagta ugu fiicna,hubaal maahan dammaanada guusha.

29 jirkaan ayaa dhawaan u soo ciyaaray kooxda heerka seddexaad ee Isbaanishka ee Fuenlabrada, inkastoo uu ku jiray liiska wakiilada xorta ah tan iyo xagaagii hore.

Diego Alves

Inkasta oo uu 39 jir ahaa isla markaana uu ahaa wakiil xor ah in ka badan hal sano, Alves ayaan wali si Rasmi ah ugu dhawaaqin in uu ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta.

Goolhayaha halyeeyga ah ee La Liga ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee buugaagta Celta Vigo, inkasta oo uusan u soo muuqan kooxda intii lagu jiray sanadkisii ​​Estadio de Balaidos.