Garoonka la yaabka leh oo noociisa aan hore loo arag oo laga dhisayo Sucuudigu

0
59

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay dhisto kow iyo toban garoon oo martigelinaya Koobka Adduunka sanadka 2034-ka. Mid ka mida garoomadaas ayaa la yaab leh, garoonkan ayaa laga dhisayaa joog dhulka ka sarreeya ilaa 350 mitir.

Garoonka ayaa la doonayaa in laga dhiso Nihom, oo ah magaalo aan weli la dhisin oo ku taalla waqooyi-galbeed ee dalka.

Wuxuu yeellan doonaa wiishash waaweyn oo lagu gaari doono kuwaas oo sidoo kale lagu kaari garoonka gawaari aan darawal lahayn.

Garoonkan ayaa qeyb ka ah mashruuca ‘The Line’ oo ah mashruuc lagu kordhinayo dhaqaalaha dalkaas si loo yareeyo dhaqaalihiisa ku tiirsan shidaalka, waxaa qorshuhu yahay in garoonkaas lagu qaban doono ciyaarta finalka ah.

Dalabka Sacuudiga ayaa ahaa mid aan wax tartan ah ku jirin, wuxuuna waddanku lahaa qorshe uu ku soo gudbinayo qorshayaashiisa ugu dambeyn bisha Oktoobar 2024-ka.