Baladweyne ( Radio Beerlula )-Degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa laga dhagax dhigay Saldhiga Booliska oo dhismahiis iska Kaashanayaan Dowalad Gobaleedka Galmudug iyo Midowga Yurub.
Munaasabada dhagax dhiga waxaa ka qeybgalay xubno kasocday wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowalad gobaleedka Galmudug, maamulka Degmada Wisil iyo qaybaha kale duwan ee bulshada degmada.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.