Maxkamadda gobolka Hiiraan oo bilowday dhageysiga dacwadka kiis dil ah oo ka dhashay muran dhaxmaray laba nin oo beeraley ah.

0
78

Baladweyne (Radio Beerlula)- Maxkamadda gobolka Hiiraan gaar ahaan qeybta ciqaabta, laanta tashiga ayaa maanta u fadhisatay dacwada kiis dil ah oo loo heysto Aadan Maxamed Nuur oo deegaanka Shabeelow ee duleedka magaalada Baladweyne ku dilay allaha unaxariiste Xassan Isaaq Cabdi, oo ay ka wada shaqeynayeen beer iyadoona dilka loo adeegsaday tooray.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan Cali Xuseen Sabriye oo laba dhinac ay ka fadhiyaan laba garsoore, iyo ehelada labada dhinac ayaa goob joog ka ahaa maxkamadda.

Xafiiska xeerilaalinta gobolka Hiiraan ayaa goobta keenay marqaatiyaal iyo cadeymo muujinaya sida u dhacay dilka kuwaasoo maxkamadda ka hor sheegay wixii ay arkeen.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdimajiid Aweys Isaaq.