60 qof oo ku dhintay shil diyaarad oo ka dhacay Brazil.

0
88

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo ay la socdeen in ka badan 58 qof ayaa la xaqiijiyay in Jimcihi shalay ay ku burburtay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, iyadoo ay shilkaasi ay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda iyo shirkadda diyaaradda leh.

Diyaaradda oo ka duushay magaalada Cascavel ee gobolka Parana ayaa ku sii jeeday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sao Paulo. Waxay ku dul dhacday xaafado la dagganyahay oo ku yaalla degmada Vinhedo oo 80 km u waqooyi galbeed uga beegan magaalada weyn ee Sao Paulo.

Saraakiisha ma aysan sheegin in ay dhibaato soo gaartay dadka deganaa xaafadaha ay diyaaradda ku dul dhacday.

Bayaan kasoo baxay shirkadda leh diyaaraddan ayaa lagu sheegay in ay dhinteen dhammaan rakaabka saarnaa oo gaaray 58 qof iyo shaqaalihi diyaaradda.

Dowladda Brazil ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku aaddan waxa sababay shilka diyaaradda.