Natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee Puntland oo la shaaciyay.

0
159

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Puntland Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid ayaa  Shaaciyay  Natiijada Imtixaanka Fasalka 4aad ee Dugsiga sare Puntland oo sannadkan ay ka qeyb galeen ku dhawaad sideed kun oo ardey.

Munaasabadda lagu shaacinayay natiijada imtixaanka oo lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashadda Puntland.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.