Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran oo inta badan laga raro xoolaha laga dhoofiyo dekeddaha Boosaaso iyo Berbera ayaa xiligan laga dareemaya sara u kac ku yimid qiimaha xoolaha gaar ahaan ariga iyo Lo’da.
Ganacsatada iibisa xoolaha ayaa sara u kacan u sababeeyay inuu bilowday dalabka xoolaha loo dhoofiyo Itoobiyo, Yemen iyo Kuwait.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaney.