Dowladda Japan oo soo saartay amar lagu daadgureynayo kumanaan qof.

0
60

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalka Japan ayaa laga cabsi qaba inay ku dhufato dufaanta Ampil oo ku wajahan bariga waddankaasi Sidoo kale, waxaa la baajiyay duullimaad dhowr ah.

Kumanaan ruux oo ku nool dhulka laga cabsi qabo ayaa laga bilaabay in laga daadgureeyo guryahooda si looga hortago waxyeelo ka soo gaarta duufaanta.

Waaxda saadaasha hawada ee dalka Japan ayaa sheegtay in duufaanta Ampil ay ilaa 170 kiilomitir u jirta magaalada Choshi oo ka tirsan gobolka Chiba oo u dhow caasimadda Japan ee Tokyo.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in amarka daadgureynta ee la soo saaray uu saameynayo 323,000 qof.