Baladweyne ( Radio Beerlula )-Manchester City ayaa garoonka Stamford Bridge ku dubatay kooxda Chelsea
Erling Haaland ayaa saftay kulankiisi 100-aad ee Manchester City iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ay ku bilaabatay difaaceeda horyaalka markii ay guul ka gaareen Chelsea garoonka Stamford Bridge.
Haaland ayaa daqiiqadii 18-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu kubada uu daba mariyay Robert Sanchez.
Haaland ayaa Dhaliyay goolkiisii 91-aad ee City tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund sanadkii 2022-kii.
Laacibkii hore ee Chelsea Mateo Kovacic ayaa ciyaarta ka dhigay mid ammaan ah xilli dambe, kaddib markii uu kubad uu ka toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa.
Nicolas Jackson ayaa u maleeyay inuu barbareeyay ka dib markii goolhayaha City ee Ederson uu darbo ka badbaadiyay Cole Palmer qeybta hore ee ciyaarta, laakiin weeraryahanka ayaa inta uusan goolka dhalin uu ku jiray offside.
Weeraryahanka Senegal Jackson ayaa markii ugu horeysay si toos ah u toogtay Ederson iyadoo Chelsea ay ku riixday inay la timaado goolka barbaraha ka dib nasashada.
Rico Lewis ayaa laga diiday gool, ka hor inta uusan Kovacic hogaanka dheerenin.
Guud ahaan ciyaarta ayaa ku idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Manchester City.