Xarunta Baasaboorada degmada Boondheere ee gobolka Banaadir oo la dhagax dhigay.

0
111

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Baasaboorada taasi oo laga hirgelinayo Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

munaasabada Dhagax dhiga waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, Guddoomiyaha Degmada Boondheere iyo mas’uuliyiin kale.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.