Rag loo haysto inay gacan ka geeysteen baxsasho maxaabiis oo maxkamad la soo taagay

0
52

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shan askari oo ka tirsan booliiska Kenya ayaa la hor keenay maxkamad, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gacan ku siiyeen nin looga shakisan yahay inuu dilay tiro haween ah, iyo 12 kale oo maxabiis ah ay ka baxsadany xabsi ku yaala magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.

Mas’uuliyiinta dalka ayaa sheegay, in Collins Jumaisi Khalusha, iyo tobaneeyo kale oo ah muwaadiniin Eritrean ah ay xabsiga ka baxsadeen subaxnimadii hore ee Talaadada.

Bishii la soo dhaafay, ayay booliisku sheegeen in Khalusha qirtay inuu dilay afartan iyo laba haween ah oo ay xaaskiisu u jirto.

Laakiin qareenkiisa ayaa sheegay in la jirdilay laguna qasbay qirashadaas.

Khalusha ayaa lagu waday in jimcaha la soo taago maxkamadda si su’aalo loo weydiiyo.