Shir looga hadlayay mashruuca horumarinta barakacayaasha oo lagu qabtay Baydhabo

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorshaynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Cabdi ayaa magaalada Baydhabo ka daahfuray Shir looga hadlayay Dardargelinta Mashruuca dhisida u adkeysiga bulshada nugul ee Soomaaliyeed kaa oo looga dan leeyahay in wax looga qabto waxyaabaaha dhaliya isbadalka Cimilada, Adeegyada Aas-aasiga ah iyo dejinta qorshaha horumarinta Barakacayaasha.

Shirka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Yacquub Isaaq Xuseen, Agaasimaha Guud Wasaraadda Bay’adda,Agaasimo Waaxeedyada iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Hay’addaha ka Shaqeeya arrimahaqm barakacayaasha.

Warbixintan waxaa noo haya Bilaal Daahir Waaney.