Kulan looga hadlayay dhismaha buundooyinka gobolka Gedo oo lagu qabtay Muqdisho.

0
79

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada muqdisho ee Caasimada dalka ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii wada jir looga wada qeyb qaadan lahaa dhismaha buundooyinka degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo oo waxyeelo ka soo gaartay fatahaadii uu geystay webiga jubba.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan hanaanka loo dhisi doono buundooyinkan iyo daah furka Qaaraan-ururinta Mashruuca dib-u-dhiska buundooyinkan, waxana kulanka ka qeyb galay , odayaal dhaqameed, ganacasato, aqoonyahano, Iyo qurbo joog.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.