Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkaddaha diyaaraddaha ee caalamiga ah iyo kuwa goboleed ayaa joojiyay duulimaad yadii ay ku tagi lahaayeen ama uga bixi lahaayeen garoomada ku yaala Israa’iil maanta oo Axada, kaddib markii uu ka sii daray khilaafka u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil.
Sidoo kale waxa la joojiyay dhammaan duulimaadyada garoonka magaalada Bayruut maanta oo Axada, waxana inta badan istaagay diyaaraddihii mari jiray hawada Bayruut, sababbo la xiriirra weerarka xagga cirka ah ee Israa’iil ku hayso fariisimaha Xisbullah.
Shirkaddaha diyaaraddaha Faransiiska, Giriigga, iyo Imaaraadka ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen ama uga bixi jireen magaalada Talaabiib xili ay ka sii dartay xaaladda waqooyiga Israa’iil.
Shirkaddahan ayaa waxa raacaya illaa 16 shirkaddood oo kale oo iyana joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen ama uga bixi jireen illaa war dambe.