Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalxiise ajanabi ayaa ku dhintay koonfurta dalka Iceland kadib markii u uku dumay baraf xili ay ku dalxiisayeen meel baraf ah isaga iyo koox la socotay sida aykusoo warrantay warbaahinta gudaha ee dalkaas. Dalxiise labaad ayuu isna dhaawac soo gaadhay waxse loo qaaday isbitaalka isaga oo aan noloshiisu halis ahayn. Halka labo kale wali la la’yahay.
Baadbaadiyayaasha ayaa hakiyay howlgalkooda xaaladda oo aad u adkaatay darteed. Barafka ayaa kusoo dumay xilli 25 qof ay booqanayeen god baraf ka samaysmay. Kooxaha badbaadada ayaana gacmahooda isticmaalaayay si’ay u badbaadiyaan kuwa la la’yahay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in 200 oo qof ay ka shaqaynaayaan badbaadinta dadka axadii.
Mar uu lahadlaayay talefeeshinka Iceland taliye sare oo booliiska ah ayaa sheegay in ay awoodi waayeen in la xidhiidhaan labada qof ee la waayay. Taliyaha booliska ayaa laga soo xigtay in dadka ay taagnaayeen qaw ku dhex yaala afaafka hore ee laga galo godkaan barafka ah kadib markii uu soo dumay qarka barafka ah.