Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray xabsi labaad uu yeelan doono gobolka Maroodi-jeex

0
102

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xariga ka jaray xabsi labaad oo uu yeelan doono gobolka Maroodi-jeex, kaas oo laga hirgeliyey deegaanka Halleeya ee Bariga caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda xadhig-ka-jarka waxa madaxweynaha kala qaygalay guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xeer ilaaliyaha guud, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale, waxana laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu xabsigani leeyahay iyo baahida loo qabay.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.