Dowladda Kenya oo si rasmi ah u taageertay Raila Odinga inuu u tartamo guddoomiyaha Midowga Afrika.

0
71

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa si rasmi ah u ansixiyay islamarkana taageeray in Raila Odinga uu noqdo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika .

Munaasabad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi , ayuu Madaxweyne Ruto ku muujiyay kalsoonida uu Odinga ku qabo inuu hoggaamiyo midowga Afrika, sababo la xiriira xirfaddiisa hoggaamineed.

“Waxaan ku kalsoonahay inuu samayn doono wax kasta oo uu awoodo oo uu samayn doono wax kasta oo suurtogal ah si uu u keeno isbeddel wanaagsan Si uu Afrika uga dhigo mid lagu faan islamarkana xoog leh,” ayuu yiri.

Qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolka bariga Afrika ayaa Odinga u xaqiijiyay taageeradooda.