Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneyso in ay cudurka halista ah ee dabeysha ay ka tallaasho carruur gaareysa 640,000 oo ku nool Gaza, waxana tallaalka uu dhici doonaa inta lagu jiro sideed saac oo xabbad-joojin ah oo ay isku afgarteen ciidamada Isra’il iyo Falastiin.
Yousef Abu Al-Reesh, oo ah wasiir ku xigeenka caafimaadka Gaza ayaa sheegay, in kooxaha talaalka ay isku dayi doonaan in ay gaaraan inta ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin wuxuu sheegay in kaliya xabbad joojin dhamaystiran ay dammaanad qaadi karto in carruurta Gaza oo dhan ay helaan dawada tallaalka cudurka Booliyada.
Ololaha tallaalka ayaa la filayaa in lagu dhameystiro muddo saddex maalin ah