Nibiri la sheegay inuu jaajuus u ahaa Ruushka oo maydkiisa laga helay dal ku yaalla Yurub.

0
75

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Nibiri la rumaysan yahay inuu basaasnimo u soo tababaray Ruushka ayaa meydkiisa laga helay xeebaha dalka Norway.

Nibirigan oo lagu naaseeso Hvaldimir – ayaa laga helay isagoo sabbeynaya magaalada koonfur-galbeed ee Risavika, waxaana loo qaaday dekedda ugu dhow si baaritaan loogu sameeyo.

nibiriga ayaa markii ugu horeysay lagu arkay biyaha Norway shan sano ka hor iyadoo kamarada GoPro ay ku xiran tahay suunka ay ku qoran tahay “Qalabka St Petersburg”.

Tani waxay kicisay xanta ah in Nibirigu uu noqon karo basaas basle Moosco wali kama hadlin eedeyntaas.

Aasaasaha Marine Mind Sebastian Strand, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in aan la garanayn sababta dhimashada iyo in maydka Hvaldimir uusan lahayn dhaawacyo muuqda.

“Waxa aanu ku guulaysanay in aanu soo saarno hadhaagiisiioo aanu dhignay meel la qaboojiyey, si aanu ugu diyaarinay necropsy machadka caafimaadka xoolaha”ayuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.
Iyadoo lagu qiyaasey da’da 15, Hvaldimir uma da’weyn sida nibiriga Beluga, kaas oo cimrigiisu gaari karo 60 sano.