Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mareykanka ayaa qabtay diyaarad uu leeyahay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro – isagoo ku doodday in si sharci darro ah loogu iibsaday $13m (£9.8m) si tahriib ahna looga dhoofiyay dalka.
Sida laga soo xigtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, diyaaradda Falcon 900EX ayaa lagu qabtay Jamhuuriyadda Dominican waxana loo wareejiyay gobolka Florida ee Mareykanka.
Ma cadda sida iyo goorta diyaaraddu loolgala wareegay Jamhuuriyadda Dominican. Xogta diyaaradda ayaa muujisay inay ka dhoofeysay garoonka La Isabela ee u dhow caasimadda Santo Domingo Isniintii, iyadoo timid garoonka Fort Lauderdale ee Florida wax yar ka dib.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Mr Maduro iyo dowladda Venezuela oo ku aadan arrintan.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradda loola wareegay tuhunno la xiriira ku xadgudubka xakameynta dhoofka Mareykanka iyo shuruucda la xiriirta cunaqabateynta.