Tababar ku saabsan soo saarista Filimada oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

0
28

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray tababar lagu baranayay habka sameynta iyo soo saarista Filimada kaasi oo aay ka faa-ideysteen 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaha Filimada iyo Warbaahinta kale

Tababarkan oo socday muddo 5 maalmood ayna soo qaban qaabisay Wakaaladda Filimada ee Wasaaradda Warfaafinta waxaa ka qeyb galay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Cabdinaasir Xasan Xuseen, iyo qaar kamid ah agaasime waaxyada wasaaradda.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim