Daadad ku dhuftay dalalka ka tirsan Afrika.

0
145

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda qaxootiga Adduunka ee qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in dadaadka ka dhashay roobabka ka da’ay dalalka Cameroon, Chad, Mali, Niger iyo Nigeria ay ku barakeceen boqolaal kun oo ruux kuwaasoo xiligan wajahaya xaalado nolol xumo.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dadkan ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah maadaam dadaadkan ay burburiyeen hoygii ay daganayeen, kaabayaashii dhaqaalaha iyo jidadka.

In ka badan 200 oo ruux ayaa lagu soo waramaya inay daadadkan ku dileen dalka Nigeria , halka 225,000 oo ruux ay ku barakaceen dadaadkan, waxana sidoo kale ay sameysay 115,000 oo Hectar oo dhul beereed ah.

In ka badan 22 gobol oo ka tirsan dalka Chad ayaa lagu soo waramaya inuu sameeyay daadadkan iyadoo ay ku barakeceen in ka badan 40 kun oo ruux.

Daadadkan ka dhashay roobabka mahiigan ah ayaa laga cabsi qaba inay ka dhashan cuduro kala duwan sida shuban biyoodkan, waxana dadaadkan loo aaneynaya isbadalka cimilada.