Booliiska adduunka oo raadinaya nin qaxwo kulul ku shubay ilmo yar.

0
48

Booliiska dalka Australia ayaa baadi-goobaya isla markaana kala shaqeynaya dhiggooda adduunka si loo soo qabto nin ay aaminsan yihiin inuu dalka isaga cararay kadib markii uu qaxwo karkaraya ku shubay ilmo yar isagoo ku sugnaa magaalada Brisbane.

Weerarkan oo ahaa mid aan ku talogal loogu sameynin ilmaha yar – ayaa dhacay bishii lasoo dhaafay wuxuuna ka yaabiyay bulshada dalkaas – wuxuuna sababay in ilmahan oo ah wiil sagaal bilood jira ay soo gaarto “gubasho aad u daran” oo wejiga iyo addimada ah.

Ilmahan yar ayaa ku sugnaa meel lagu nasto oo ay qoyskiisa usoo kaxeeyeen oo ku taalla beer ay dadku isugu yimaadaan 31-kii August, markii ay marqaatiyaashu sheegeen in “nin aan la aqoon” uu goobta soo gaaray, isagoo tarmuus dhan oo qaxwo karkareysa ah ku dhammeeyay wiilka kahor inta uusan cagihiisa ku baxsan.

Boliiska Queensland ayaa waaran u jaray ninkan la doondoonayo oo 33 jir ah, kaasoo lagu eedeeyay falkan uu dhaawaca ugu geystay wiilkan yar isagoo xukunkiisa uu noqon karo xabsi daa’in.