Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax Dhigay Xarunta Wasaaradda arrimaha Gudaha.

0
101

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada muqdisho ka dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa ka qayb galay wasiiro ka tirsan Dowalada federaalka Soomaali Xidhibaanno aqoonyahano iyo qaybaha kale duwan ee bulshada Magaalada.

Warkan waxaa i noo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.