Baladweyne ( Radio Beerlula )-in kabadan 400 arday kuwaasi oo ka qalin-jabiyey dugsiyada sare ee dalka ayaa maanta u fariistay imtixaanka aya qaadeeyso Jaamacadda Hormuud foundation waxaana ardayada ku guuleeysto imtixaanka aye heleeyso deeqa waxbarsho oo lacg la.aan ah.
Daah-furka imtixaanka ayaa waxaa ka qayb galay maamulka Jaamacadda Hormuud foundation masuuliyiin ka socday wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.