Madaxweynihi hore Peru oo geeriyooday.

0
51

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynihii hore ee dalka Peru, Alberto Fujimori, oo caan ku noqday doorkii uu ka ciyaaray horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, balse marki danbe xabsi u galay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa geeriyooday.

Gabadha uu dhalay Fujimori, Keiko Fujimori ayaa qoraal ay ku daabcday barta X ku sheegtay in aabaheed oo ahaa 86 jir uu u dhintay cudurka kansarka oo ay sheegtay in uu muddo dheer la il-darnaa.

Fujimori, oo ahaa wiil ay iska dhaleen lamaanne kasoo jeeday Japan oo Peru qaxootinimo ku galay. Isaga oo aanan aqoon badan loo laheyn ayuu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee sannadki 1990-ki.

Wuxuu salka u dhigay oo uu xasiliyay dhaqaalaha Peru, kaddib marki uu xakameeyay sicir-bararka, isla markaana shaqooyin u abuuray malaayiin qof.