Kenya iyo Jarmalka oo gaaray heshiis dhanka socdaalka ah

0
78

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dowladdaha Kenya iyo Jarmalka ayaa gaaray heshiis dhanka socdaalka ah iyadoo madaxweyne Wil liam Ruto uu booqanayo Berlin.

Waxaa loogu talagalay heshiiskaan in loo fududeeyo shaqaalaha xirfadda leh ee Kenya inay shaqo ka helaan Jarmalka, gaar ahaan qaybta caafimaadka.

Heshiiskan ayaa sidoo kale fududeynaya dib u celinta dadka Kenyanka ah ee ku sugan Jarmalka iyaga oo aan heysan ogolaansho sharci ah.

Ilaa shan iyo toban kun oo Kenyan ah ayaa hadda ku nool Jarmalka — siddeed boqol oo ka mid ah dadkaas ayaa la sheegayaa in aysan xaq u laheyn in ay sii joogaan halkaa.