Dhinacyada ku dagaalamay sudaan oo ku dhawaaqay inay diyaar u yahiin xal nabadeed

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah.

Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Talaadadi u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan.

Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka.