Labo hoggaamiye oo ka tirsan mucaaradka Tanzania oo la xiray

0
42

Baladweyne ( Radio Beerlula )- Labo hoggaamiye oo ka tirsan xisbiga Chadema ee dalka Tanzania Iyo sagaal ruux oo kale ayaa lagu xiray magaalada Darusalam iyadoo boolisku isku dayayo in ay mamnuucaan dibadbaxyada.

Xisbiga Chadema ayaa ku baaqay dibadbaxa kaddib markii lagu eedeeyay afduubyo siyaasadeed iyo dilal.

Guddoomiyah xisbiga iyo ku xigeenkiisa ayaa la xiray.

Sidoo kale waxaa la xiray wariyayaal isku dayayay in ay warbixino ka sameeyaan dibadbaxa.

Qoraal ay barta X soo dhigeen xisbiga Chadema ayey ku sheegeen in la xiray guddoomiyhooda Freeman Mbowe isagoo isu diyaarinaya in uu horkaco dibadbax nabadeed
Sanadkii hore, madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa qaaday xayiraad saarneyd in mucaarka sameeyaan isku soo bax, waxayna ballanqaaday in ay soo celineyso tartanka siyaasaded. Iyadoo taas jirto ayey hadana boolisku waxay mamnuucayeen dibadbaxyada.

Kooxaha difaaca xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in ay isasoo tareyso cabsigelinta maamulkeeda ay ku sameynayeen siyaasiyiinta ka horjeeda ka hor doorashada.