Xarunta Beerista casriga ah iyo daryeelka Dhirta oo laga hirgeliyay deegaanka luglow.

0
50

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiiru Dowlaha wasaaradda Degaanka XFS Axmed muxumad Cumar iyo wasiirka wasaaradda Degaanka iyo isbadalka Cimilada Maamulka Jubbaland Caydiid Suleymaan Xaanshi ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray xarunta Beerista casriga ah iyo Daryeelka Dhirta.

Xarunta oo laga hirgiliyay Degaanka luglow ee Duleedka magaalada Kismaayo ayaa munaasabadda xariga looga jarayay waxaa goob joog ahaa wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland,Gudoomiyaha Gobalka Jubbada hoose iyo qaar kamid ah Bulshada Degaankasi.

Warkan waxaa inoo haya Cabdinajiib Aweys Isaaq