Hay’adda MSF oo sheegtay in xaalad caafimaad darro oo halis ah ay ka jirto dalka Sudan.

0
41

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda MSF ayaa sheegtay in haweenka uurka leh, hooyooyinka iyo dhallaanka cusub ay u dhimanayaan arrimo caafimaad oo laga hortegi karo maadaama nidaamkii caafimaadka ee gobolka uu burburay.

MSF waxa ay ku boorineysaa dhinacyada dagaallamaya in ay joojiyaan xadgudubyada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, iyo in ay oggolaadaan in gargaar nafaqo oo lagu badbaadinayo la gaarsiiyo dadka barakacay.

Warbixinta ayaa sidoo kale ugu baaqday Qaramada Midoobay inay qaado tallaabo degdeg ah si looga hortago khasaare kale oo nafeed.

Tani waxay daba socotaa warar ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah oo sheegayay in ciidamada Sudan ay duqaymo ka geysteen garoon diyaaradeed oo ku yaala Koonfurta Darfur Talaadadii. Duqeymaha ayaa la sheegay in lala beegsaday diyaarado xamuul ah oo sahay u waday ciidamada RSF ee dagaalka kula jira ciidamada Sudan tan iyo bishii April ee sanadkii hore.

Dagaalka sokeeye ayaa ilaa hadda waxa ku dhintay kumanaan qof, malaayiin kalena waxa ay ka barakiciyeen guryahoodii guud ahaan dalka Suudaan.