Bayern Munich Oo Ka Walaacsan Dhaawaca Soo Gaaray Harry Kane.

0
10

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Vincent Kompany Tababaraha Munchen ayaa rajeynaya in dhaawaca canqowga ah ee Harry Kane uusan noqon doonin mid halis ah ka dib markii weeraryahanka Bayern Munich uu ka baxay kulankii barbaraha 1-1 ee Bayer Leverkusen.

Kabtanka England Kane ayaa la bedelay daqiiqadii 86-aad ee ciyaartii Bundesliga Sabtidii ka dib markii ay barbaro la gashay kooxda dhibleeyda noqotay ee Bayer Leverkusen oo xagaagii hore seejisay horyaalka.

Kooxda Bayern ayaa u safri doonta England si ay u wajahdo Aston Villa kulan ka tirsan  Champions League Arbacada.

“Aniga ma ihi dhakhtar, laakiin waxaan rajeynayaa inaysan ahayn wax halis ah, wali waa xilli hore in la sheego, waxaan rajeynayaa inuu taam u noqon doono Arbacada,” maamulaha Bayern ayaa sidaasi yidhi.

Agaasimaha isboortiga Bayern Max Eberl ayaa yiri: “Hadii Harry uu ka baxo garoonka, markaas waa wax kale, hadda waxaan rajeynayaa inuu soo laaban doono kulanka safarka Ingiriiska ayuu yidhi.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee England Lee Carsley ayaa isna rajo la mid ah yeelan doona, iyadoo xulkiisa ay la ciyaari doonaan kulan ka tirsaj Nations xulka Greece 10 October iyo Finland oo ay is wajahayaan13 October.