Shaqaaleysiinta Haweenka oo sare u qaadi karta dhaqaalaha Afrika.

0
30

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbixin ay soo saartay hay’adda Mastercard Foundation ayaa lagu sheegay in kordhinta ka qaybgalka haweenka ee cududda shaqaalaha rasmiga ah ee Afrika ay sare u qaadi karto dhaqaalaha qaaradda Afrika.

Dhaqalaha afrika ayaa lagu waramaya inuu gaari doono $287 bilyan marka la gaaro 2030.

Warbixitan ayaa intaas ku dartay in tani ay sidoo kale kor u qaadeyso 5 boqolkiiba, cabirka miisaaniyada dakhliga gudaha ee GDP.

Haweenka qaarada afrika ayaa inta badan door muhiim ah ka qaata horumarinta dhaqaalaha qoysaska, basle ilaa hadda ma gaarin heerkii loo baahna marka laga eego dhanka shaqeysiinta ilaha ay ka soo xaroodan dhaqaalaha.