Arsenal VS PSG, Hordhaca Kulanka,Shaxaha labada kooxood

0
12

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa sii wada ololaheeda  Champions League oo ay Talaadada caawa ah kalcadeeda Emirates Stadium kula ciyaari doonto kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain.

Arsenal ayaa ku soo laabatay tartanka Champions League-ga ka dib markii ay 4-2 kaga badisay Leicester City sabtidii kulan ka tirsana Premier League-ga.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkeeda Champions League ku bilaabatay barbaro goolal la’aan ah oo ay marti u ahaayeen Atalanta, waxaana dhibicda u reebay David Raya oo habeenkaasi naftiisa huray.

Tijaabo adag ayee galaysa kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee PSG, inkastoo Arsenal ay tahay inay dareemaan kalsooni maadaama aan looga badin Emirates tan iyo bishii Janaayo (12 guul iyo 2 barbaro) ayee ka heysata.

Sidoo kale wax guuldaro ah lama kulmin afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay PSG tartamada yurub.

Kooxda reer France ayaa la ciyaartay Gunners kulamo badan iyaga oo aan badinin 4 jeer marka loo eego kooxaha kale ee tartamada yurub.

Waxay u ahayd bilow wanaagsan ololaha 2024-25 ee kooxdan PSG, kuwaas oo badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee Ligue 1 islamarkana kulankoodii hore ee CL ay garaaceen Girona.

Kooxda Luis Enrique ayaan laga badinin xilli ciyaareedkan, inkastoo laga badiyay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti u ahaayeen kooxaha Ingariiska ee tartankan Champions League-ga.

Waxay shabaqooda badbaadiyen laba jeer oo kaliya todobadii kulan ee tartanka.