Kylian Mbappe Oo Lagu Daray Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Kulanka Lille.

0
14

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Real Madrid ayaa ku dartay Kylian Mbappe liiska Ciyaartoyda arbacada beri ah wajahaya kooxda Lille ee tartanka

 Champions League ka dib markii uu hal kulan ku seegay dhaawac bowdada ah.

Weerar yahanka reer France ayaa la filayay inuu garoomada ka maqnaado ilaa fasaxa caalamiga ah ee soo socda laakiin waxa uu u muuqdaa mid si degdeg ah u soo kabtay.

Mbappe ayaa dhibaato yar soo gaartay Talaadadii hore kulankii La Liga ee ay ka badiyeen Alaves, waxaana uu seegay kulankii Axadii ee Atletico Madrid.

Tababaraha Madrid Carlo Ancelotti ayaa Mbappe u xushay shaxdiisa safarka France si ay u wajahaan kooxda Ligue 1 ee Lille.

Waxaa la eegi doona daqiiqadaha uu kasoo muuqan doono kulanka beri.