81-jir tartan u gashay haweeneyda ugu quruxda badan adduunka.

0
20

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Haweeneydan oo lagu magacaabo Ms Choi islamarkana 81-jirka ah ayaa masraxa kala soo muuqatay haween ay ka weyntahay in ka badan kalabar da’deeda, iyadoo ka qeyb galeysa tartanka quruxda kuuriyadda koonfureed, iyadoo rajadeeda tahay inay u soo baxdo kama danbeynta tartanka oo lagu qabanayo Mexico dhamaadka sanadkan.

Haweeneydaan ayaa fursad heshay kadib markii guddiga tartanka quruxda ee Miss Universe, ee dalkaas ay meesha ka saareen xeerar dhanka da’da ah oo horay ugu dhaganaa tartankaan.

Tartankan ayaa waxaa markii hore loo oggolaa inay ka qeyb gali karaan haweenka jira da’da 28-sano ama ka yar.

Sanadihii la soo dhaafay ayay aad caan uga noqotay Kuuriyada Koonfureed, waxa ayna ka soo muuqatay goobaha lagu soo bandhigo moodallada asbuuclaha ah iyo masraxyo loogu talagalay socodka faashiyoonka ah, balse waxa ay caqabad kala kulantay shaqooyinka xayeysiiska ama bandhigyada faashiyoonka ah ee ka baxsan dalkeeda.