Kai Havertz oo Looga Saaray Liiska Xulka Germany

0
15

Baladweyne (Radio Beerlula)-Weeraryahanka Arsenal ayaa laga reebay liiska xulka Germany uga weyb galaya kulamada xulalka oo uu markii hore kusoo baxay.

Havertz ayaa sababta looga saaray xulka lagu sheegay dhaawac jilibka ah.

Havertz ayaa ka qeyb qaatay kulankii Arsenal sabtidii la ciyaartay kooxda Southampton isaga oo goolka bareejaha ah u keenay Gunners.

Ilaa hada wax warbixin ah kama soo saarin Arsenal dhaawaca Havertz, laakiinse xulka qaranka Germany oo soo saaray warbixin ayaa sidan u qornayd “Kai Havertz ayaa seegi doona kulamada qaramada ee Bosnia Herzogovina iyo Netherlands kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here