Shiinaha oo badeecadaha u soo saaro ka xannibay Yurub

0
9

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Shiinaha ayaa ku dhawaaqay xannibaado cusub oo lagu soo rogay qaar kamid ah badeecadaha ay soo saaraan ee loo dhoofiyo Yurub.

Arrinkaan ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib markii waddamada midowga Yurub ay ansixiyeen canshuur adag oo lagu soo rogay gawaarida korontada ku shaqeysa ee Shiinaha.

Laga bilaabo Jimcaha, shirkaduhu waa inay bixiyaan qarashaad badan, taas oo Shiinaha ay sheegtay inay caqabad ku noqoneyso wax soo saarka shirkadaheeda.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in khilaafka sii kordhaya uu noqon karo kii ugu weynaa ee u dhexeeyay dalalka Yurub iyo Shiinaha oo kamid ah kuwa ugu wax soo saarka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here