Jamaahiirta Man United Oo Niyadjab La Kulmay Ka Dib Markii Uu Soo Dhamaaday Shirkii Madaxda Man Utd

0
13

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Erik ten Hag ayaa muuqda mid ku sii dhegan shaqadiisa ka dib markii uu soo dhamaaday kulan todoba saacadood socday oo u dhaxeeyay madaxda Man United iyadoo looga hadlay sida xun ee ay kooxda ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Kulankii Axada ee ay barbaraha goolal la’aanta la galeen Aston Villa ayaa ka dhigtay in United ay kaliya sideed dhibcood ka heysato todoba kulan oo ay ciyaareen horyaalka. Waa bilaabashadoodii ugu xumeyd ee xilli ciyaareedka ee muddo 35 sannadood ah.

Shirka madaxda kooxda waxa uu ka dhacay xafiiska shirkada Ineos ee magaalada London wuxuuna socday muddo todoba saacadood ah.

Caadiyan marka go’aan weyn la gaaro sida ceyrinta tababaraha waxaa durbadiiba la soo saaraan bayaan loo gudbinayo warbaahinta laakiin markii uu soo dhamaafay shirka madaxda kooxda wax bayaan ah lagama soo saarin.

Waxaa la fahamsan yahay in Ten Hag aan loo sheegin in shaqadiisa ay halis ku jirto. Sidaas darteed waxaa la filayaa in tababaraha uu sii wato shaqadiisa marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga ah iyadoo United ay Old Trafford kula ciaareyso Brentford.

Waxay arintaan niyadjab ku tahay taageerayaasha Man United oo filayay in go’aamada shirka ka soo bixi doona ay qeyb ka noqoto ceyrinta tababare Erik ten Hag.

Tababaraha reer Holland ayaan heysan taageerada inta badan Jamaahiirta Shayaadiinta Cas Cas kuwaasoo ku cadaadinayay inuu shaqada isaga tago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here