Ingiriiska oo tahriibayaal uu ku hayay jasiirad qarsoodi ah doonaya in uu raro dalka Yurub ku yaalla

0
25

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Ingiriiska ayaa u soo bandhigtay daraasiin tahriibayaal ah oo go’doonsan, kuwaas oo sanado lagu hayay xero ku taal jasiirad qarsoodi ah oo ay leeyihiin milatariga Ingiriiska iyo Mareykanka oo ku taalla badweynta Hindiya, in ay si ku meel gaar ah loogu raro dalka Romania.

Lix bilood ka dib, ayaa waxay u wareegi karaan dalka Ingiriiska.

Kuwo kale oo isla kooxdaan ah ayaa waxaa loo soo bandhigay in taakulo dhaqaale ay ku qaataan in ay aadan kuna noolaadaan dalka Sri Lanka.

Sannadkii 2021, daraasiin reer Tamil ah ayaa noqday dadkii ugu horreeyay ee weligood magan-galyo ka codsada jasiiradda Diego Garcia ka dib markii ay doontoodu ku ciladowday aaggaas.

Xaaladdan aan caadiga ahayn ayaa horseeday muran sharci oo dheer, iyadoo dowladda Ingiriiska ay sheegtay in keenista dadkaas gudaha Ingiriiska ay abuuri karto halis la xariirta “in waddo kale oo tahriibayaasha is dhiibaya ah ay ku furato”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here