Olole lagu talaalayo caruurta oo ka bilaabanaya Gaza.

0
25

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro heshiis ku saabsan wareegii labaad ee bini’aadantinimo si ay u suurtagasho in tallaalka dabeysha la siiyo carruurta Qasa, sida ay sheegtay hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobay, ee UNICEF.

Waxay sheegtay in ololahan ayaa lagu talaali doonaa 590,000 oo carruur ah oo ka yar 10 sano, waxaana la filayaa inuu bilowdi Isniinta soo aadden.

Mas’uuliyiinta Unicef ayaa sheegaya in heshiiskaas uu muhiim yahay marka la eego xaaladda ay wajahayaan carruurta Qasa.

Bishii Ogosto, waxaa jiray heshiisyo bini’aadantinimo oo ku saabsanaa dagaalka Qasa si loo oggolaado boqolaal kun oo carruur ah in laga tallaalo cudurka dabeysha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here