Immisa kulan ayay Lamine Yamal waayi kartaa Barcelona?

0
21

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Sida laga soo xigtay shaqaalaha caafimaadka xulka Qaranka Spain, Lamine Yamal wuxuu kaliya la tacaalayaa dhibaato yar oo muruqa ah taasoo keentay in dib loogu celiyo kooxdiisa Barcelona.

Warkaan ayaa nafis u ah taageerayaasha FC Barcelona oo aad uga walaacsanaa xaalada dhaawaca wiilkooda muhiimka ah.

17-sano jirkaan ayaa ka tagay garoonka isagoo dhutinaya ka dib ciyaartii Spain ay la ciyaareen Denmark xalay, wuxuu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta, taasoo keentay inuu dareemo muruq xanuun sida lagu cadeeyay warbixin ay baahiyeen shaqaalaha caafimaadka xulka.

Barcelona ayaa codsatay in Yamal xilli hore dib ugu soo laabto kooxda si uu u sii wato soo kabsashadiisa, iyadoo rajo laga qabo inuu si degdeg ah dib ugu soo laabto garoomada.

xogta qaar ayaa leh, Yamal waxa uu halis ugu jiraa in uu seego Kulanka Barcelona ee horyaalka La Liga kula ciyaareyso Sevilla isbuuca soosocda.

Si kastaba ha ahaatee, Majalada Sports waxay dhankeeda leedahay waxaa jirta suurtogalnimo xooggan oo uu ku ciyaari karo kulankaas, maadaama dhaawaca aan loo arkin mid daran.

Jadwalka kulamada soo socda Barcelona, ​​oo la ciyaareysa Bayern Munich Champions League iyo Real Madrid oo ay ku wajahayaan La Liga, waxaa caqli-gal ah Yamal inuu nasto si uu si buuxda ugu soo kabsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here