Madrid, Arsenal ilaa City- Slot oo 8 kulan oo Adag Bil Gudaheed Wajahaya

0
40

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Liverpool waxa ay heli doontaa sideed kulan oo ay ku ciyaareyso bil gudaheed waana tijaabo adag oo uu mari doono macalin Slot.

Kulanka Chelaea kadib waxaa isku raaci doona Arsenal, Real Madrid oo ay kula ciyaari doonaan garoonka Anfield iyo Manchester City.

Reds ayaa si xoogan ku bilaabatay xilli ciyaareedka, iyadoo lix guul ka heshay todobadii kulan oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.

Bilowga xilli ciyaareedka Arne Slot. wuxuu helay kulamo isku dhafan isagoo badiyay sagaal kamid ah 10kii kulan ee ugu horeeyay kooxda.

Ka dib markii ay wajahaan Los Blancos, waxaa Slot isku raaci doona Manchester City, Newcastle United, Everton, Girona, Fulham, Tottenham Hotspur, Leicester City iyo West Ham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here