Shirkad Turki ah iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis khad tareen oo ku kacaya balaayiin doollar.

0
10

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dowlada Uganda ayaa sheegtay in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ay la saxiixatay heshiis ku kacaya saddex bilyan oo doolar oo lagu dhisayo khad tareen koronto ah oo isku xiri doona dalka aan badda lahayn iyo dalka ay deriska yihiin ee Kenya.

Waddadan ayaa ka bilaaban doonta caasimadda Kampala Malaba oo ku taalla xuduudka Kenya oo ah in ka badan laba boqol iyo toddobaatan kilomitir.

Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay Turkigu waxa uu si weyn u kordhiyey maal-gashigiisa guud ahaan qaaradda.

Wasiirka gaadiidka Uganda, Katumba Wamala, ayaa sheegay in dhismaha qadka tareenka ee Kenya uu qaadan doono muddo afar sano ah, ayna tahay inay gacan ka geysato sidii looga gudbi lahaa qaar ka mid ah dib u dhacyada dheer ee badeecooyinka ka soo baxaya dekedda Mombasa ee badweynta Hindiya.

Xaqiiqda ah in shirkad Turki ah ay dhisayso waa mid muhiim ah. Sida Shiinaha iyo Ruushka, Turkigu wuxuu u arkaa Afrika inay tahay mudnaanta siyaasadda dibadda.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay tirada safaaradaha ayaa saddex jibaarmay in ka badan afartan. Waxa ay qalab ciidan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geysay dalal badan oo Afrikaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here