Ninka ugu taajirsan dunida oo bilaabay baqtiyo-nasiib maalinkii uu ku bixinayo hal milyan oo dollar.

0
35

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Bilyaneerka Elon Musk ayaa sheegay Inuu maalin kasta bixin doono $1 milyan oo dollar islaamdkana uu siin doono codbixiyayaasha ka diiwaan gashan gobolada aan codkoodu dhinacna jirin ilaa laga gaarayo shanta Bishan November oo ay bilaabanayaan doorashooyinka madaxtinimo ee Maraykanka.

Guuleystaha waqtiyo nasiibka ayaa waxaa loo xulan doonaa qaab nasiib ah marka uu saxiixo in uu ka codeeyo , codeyn dadweyne oo ay sameeyeen koox ololeeyayaal ah oo Musk uu aasaasay, kuwaas oo uu ku doonayo in uu taageero ugu muujiyo musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee doonaya in uu dib ugu noqdo aqalka cad.

Tartankaan ayaa waxa uu u furan yahay codeeyayaasha in Pennsylvania, Georgia, Nevada, Arizona, Michigan, Wisconsin iyo North Carolina iyo dhamaan gobolada muhiimka ah ee codkoodu lagu dagaalamo kuwaas oo ugu dambeyn go’aan ku leh doorashada Aqalka Cad.

Sharciga federaalka ayaa waxa uu qabaa in cidkasta oo “bixisa ama soo bandhigta dalab ah lacag bixin ama aqbasha lacag si ay isaga diiwaangaliso codeynta” waxa uu wajahayaa ganaax ilaa $10,000 oo doolar ah ama xukun shan sano oo xabsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here