Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay Kulanka udoodista kala dheereynta dhalmada iyo amniga badeecooyinka caafimaadka Taranka.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay dhammaan Wasaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Hey’adaha Qaramada midoobey ee ka shaqeeya arrinaha Caafimaadka, Ururada Caalimga ah ee ka shaqeeya Caafimaadka, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.